Bloodied Trump survives assassination bid

BUTLER (DAYNIILE)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la soo sheegayaa in la dhaawacay kadib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday inkastoo dhaawiciisa uu fudud yahay.

Advertisement

Dhagta ayuu ka dhaawacmay sida sawirkaba aad ka arki kartaana dhiig ayaa ka baxay walow dhaqaatiirtu caafimaadkiisa ku sheegeen mid wanaagsan oo uusan qabin dhaawac daran.

Ninka weerarka fuliyay ayaa isla goobta lagu toogtay markii ilaalada Donald Trump ay markiiba toogteen, Falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Butler ee Gobolka Pennsylvania, xilli uu halkaas kula hadlayey taageerayaashiisa.

FBI-da Mareykanka ayaa magacawday Thomas Matthew Crooks, oo 20 jir ah, in uu yahay ninkii isku dayay in lagu dilo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Hay’adda sirdoonka ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay dileen qofka looga shakisan yahay in uu weerarka geystay, Toogashadaas waxaa ku dhintay hal qof oo ku sugnaa goobta halka labo kalana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.

Siyaasiyiinta ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa taageero siiya Trump, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu isna teelka ka wacay Trump una muujiyay inuu ka xun yahay dhibaatada soo gaartay,sidoo kalana wuxuu u rajeeyay caafimaad.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here