MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada ismaamulka Mandheera ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa fuliya howlgallada gaarka ah.

Sida goor dhaw ay shaacisay idaacada StarFM ee codka Waqooyi Bari Kenya Alshabaab waxay dileen 4 ka tirsan ciidamada Kenya ee fuliya howlgallada gaarka ah.

Advertisement

Ciidamadaan ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera.

Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay ciidamadaan dhexda u galeen sidaasna is rasaaseyntu ku bilaabatay.

Sidoo kale askari ee laga dilay Kenya marka laga yimaado sidoo kale waxaa dhaawacmay 6 kale.

Sida Idaacada Star FM  baahisay waxaa sido kale weerarka kaidb  la waayay lix saarkaal oo kale.

Wali Dowlada Kenya wax faahfaahina kama soo bixin ,waxaase la filayaa in masuuliyiinta Mandere ay ka hadlaan dhacdaan sidoo kale Taliska Milatariga Kenya ayaa lagu wadaa inay la hadlaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here