SEOUL (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Saaka ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul saacadaha soo socda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa lagu wadaa inuu galabta khudbad ka jeediyo madasha shirka oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo Kuuriyada Koofureed.
Sida lagu sheegay warbaahinta Dowlada Xamze khudbadiisa wuxuu kaga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Shirkaan ayaa beri lagu wadaa in la soo xiro sida jadwalku ahaa xili shirka intuu socdana ay kulamo dheeraad ah yeelan doonaan madaxda Afrika iyo Bangiga horumarinta Afrika.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement