𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚.
Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada.
Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.