=XIGASHO BBC SOMALI=
- Digniin: Sawirradani waa kuwo naxdin leh.
Kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka, Soomaaliya waxay wajahday mid ka mida taariikhda adduunka macaluushii ugu xumeyd ee aadane wajaho, waa macaluul dhacaysa xilli ay Soomaaliya wajahayso dagaallo sokeeye oo saameeyay nolosha bulshada oo dhan. Macaluushani waxay galaafay dad lagu qiyaasay 220,000 [labo boqol iyo labaatan kun oo qof]. Keliya waxaa ka badan macaluushii dalka ka dhacday intii u dhexeysay 2010 iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen ku dhawaad 260,000 [labo boqol iyo lixdan kun oo qof]
Macaluushii dalka ka dhacday 1992-dii waxay sababtay in ay dalka yimaadaan sawirqaadayaal faro badan oo kala yimid adduunka, waxayna ahayd xilli ay cirka marayso casriga sawirqaadista. Keydka taariikh sawir ee xilligaas Soomaaliya laga sameeyay waa mid si mugweyn murugo iyo naxdin u leh.
1-dii Bishii November 1992, Duleedka Baardheere
Sawirka waxaa la qaaday 1-dii Bishii November 1992-dii, magaalada Baardheere xilligaas labadii ji dee ugu muhiimsanaa ee midna aadayay Muqdisho midna Kismaayo labada way miinaysnaayeen. Gargaarkii bini’aadantinimo ee xilligaas magaalada soo gaadhi karayna badidiisa waxaa hakiyay dagaalo beeleedyadii halkaas ka socday.
Sawirka waxaa qaaday James Nachtway oo u dhashay dalka Maraykanka dalal badan oo caalamka ah colaado iyo macaluulana saameeyeen tegay. Dhammaan socdaaladiisa iyo sawirradiisa wuxuu ku qeexay in ay yahiin marag-ma-doonto. “Waxaan ahaa markhaati, sawirradanna waa caddeyntayda. Dhacdooyinka aan sawirray waa in aan la iloobin waana in aan dib loogu noqon” ayuu yiri.
Mid kamid ah sawirqaadayaashii dalka yimid waa Chris Steele-Perkins oo u dhashay dalka Britain, oo illaa hadda sawirqaade ah muddo 50 sano ku dhow, boqolaal sheeko ayuu dunida ka sameeyay oo wuxuu tagay meelo badan oo dunida colaado ka dhacayeen. Mar laga warraystay shaqadiisa wuxuu sheegay midda shucuurta ugu badan ku leh illaa haddana saamaysa in ay yahiin sawirradii uu ka qaaday macaluushii Soomaaliya ee 1992-dii isagoo sawirqaade u ah wargayska The Independent. Waxuu sheegay in macaluusha laga baaqsan karay isaga oo warraysi bixinaya. ‘‘Macaluushu waxay ahayd gabi ahaanba mid laga baaqsan karay” ayuu yidhi Chris isaga oo dib u milicsanaya Soomaaliyadii xilligaas hadalkiisana sii wata.
‘‘Waxaa dalka taalay cunto badan, laakiin waxaa boobaayay kooxo budhcad ah oo hubaysan – waxayna gaysanayeen guryo ay ilaaliyaan illaa qiimuhu sare u kaco. Runtii waxay ahayd wax aad looga naxo” ayuu yiri.
Sawirkaan waxaa qaaday Peter Turnley oo ah sawirqaade Maraykan ah, wuxuu ku sheegtay sawirka in uu yahay Maxamed oo markaas ahaa 15 jir ahaa markaas, waxuuna dhintay markuu sawirkaan qaaday habeenkeediiba, waa mid ka mid ah sawirrada murugada leh ee ka turjumaya macaluushii darayd ee Soomaaliya.
Sawirqaade Peter Turnley, waxuu muddo ku sugnaa magaalada Baydhabo oo markaas ahayd meesha ugu daran ee macaluusha Soomaaliya ka jirto ay saamanayso.
Soomaaliya adduunka waxay u noqotay meel sawirkeeda macaluusha iyo gaajada ahi uu baaho, waxay sidoo kale noqotay meel sawirqaadayaal badani ay yimaadaaan maadaama ay Soomaaliya noqotay meel dhiigaysa, wuxuu dalku noqday meel sawirkii saxda ahaa ee markaa jiray uu meel walba ka muuqdo. Waxay ahayd musiibo weyn, iyo muruggo weyn oo ay tahay in aan sinaba dib loogu noqon.
“Haweeneey u dhimanaysa macaluul oo dhex taalla daaradda isbitaal, halka rag ay dhankeeda danbe hoos hadhsanayaan, muuqaaladani waa kuwii maalin waliba la arki jiray, iyadoo ku dhawaad 300 qof maalintii u dhimanayaan gaajo xilliga macaluusha. Dhibaatada waxay ka dhalatay dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay markii jabhado ay dagaal la galeen Madaxweyne Siyaad Barre, oo markii danbe awoodda lumiyay 1991-dii. Markaas oo loolankii awoodda ee dagaal oogayaasha uu dalka ragaadiyay, sababayna macaluul”.
Waa qeexidda sawirqaaduhu ka bixiyay sawirkaan oo muujinaya sida dhibaatadii dalka Soomaaliya ka dhacday ay si gaar ah u saamaysay haweenka iyo carruurta.
Markii macaluushu ay saamaysay dalka boqolaal kun oo qoys ayaa ka barakacay gudaha Soomaaliya una qaxay wadamada deriska ah; kuwaas oo macaluusha, colaadda iyo gaajada ka jirta dalkoodii hooyo ka doorbiday in ay u qaxaan meelo aysan waligood ku fekerin iyo nolol ayna waligood sawirran.
Kenya iyo Itoobiya ayaana ugu badnaa meelahii ay dadku u qaxeen jiil dhan oo Soomaali ah ayaan noloshoodaba arag Soomaaliya oo ay sheeko ku tahay dalkii ay waalidkood ka soo qaxeen kuwaas oo ku dhashay xeryo qaxooti oo ku yaalla waddamada deriska ah.
Muuqaalka Soomaaliya ee caalamka arki jiray waa mid musiibo iyo naxdin mar walba lahaa, waloow dalku kasoo kabtay dhibaatooyinka dhacay sidii horena dhaamo, haddana macaluushu waa wax dhowrkii sanaba mar dib loo arko. Macaluushii dhacday 1992-dii waxaa ka dhimasho badnayd midii dhacday 2010 illaa 2012-kii.
2023, Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sheegtay in bishii Disembar ee sanadkaas ay cunno yari wajahi karaan dad ku dhow 4.3 Milyan oo qof. Balse Dowladda Soomaaliya ayaa markii danbe sheegtay dedaalo ay samaysay ay sababeen in macaluul dalka ka dhici lahayd laga baaqsado.
Dhammaan sawirradani waxay caddeyn u yihiin taariikhda mugdiga ah ee ay tahay in wax laga barto, lagana hortago in ayna dib u dhicin. Waxyaabahii sababay oo ay dowlad la’aanta, colaadda iyo dagaalada sokeeye kow ka yihiinna si walba looga baaqsado.