COLUMBUS (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegtay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaalida wiil 18 jir Soomaali ah ayaa lagu dilay Dalka Mareykanka gaar ahaan  gobolka Ohio Magaaladiisa Columbus.

Dilkaani ayaa dhacay jimcihii markii kooxo hubeysani toogteen wiilka balse shalay oo axad ahayd ayaa la aasay maydka  rabi ha u naxariistee Maxamed C/raxmaan oo ahaa 18 jir  Soomaali ah.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan inay sheeko kale ka dhacday qabriga taasoo ahayd inay yimaadeen qaar ka mid ah gaangiskii looga shakisnaa inay dilka fuliyeen taasoo cabsi iyo qal-qal amni ku auurtay Soomaalidii aaska ka qeybgaleysay.

Dilalka lagu hayo Soomaalida ayaa ku soo badanaya dalalka Mareykanka iyo Canada iyadoo aaney wali Dowladhaas wax muuqda ka qaban walow dhanka Canada ay u badan yihiin dilalku kuwo Soomaalida dhexdooda isu geysanayaan xili daraagis ay adeegsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Police investigate a crime scene where a man was fatally shot.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here