An Israeli army armoured vehicle drives during a raid in the Tulkarem camp for Palestinian refugees in the occupied West Bank on July 23, 2024. (Photo by JAAFAR ASHTIYEH / AFP)

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay Gaza oo dhan tan iyo waaberiga saaka kadib duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Yuhuuda.

Advertisement

Duqeymaha Israel ay u gaysatay shacabka Falastiiniyiin ayaa ku dhacay meelo kala duwan oo Marinka Gaza ah tan sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Saaxiibadayada Aljazeera Carabiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen dhul beereed ku dhow magaalada Hamad, ee galbeedka Khan Younis ee koonfurta Gaza.

Madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ka dib markii millatariga Israa’iil ay weerareen kolonyo Qaramada Midoobay kuwaasoo lahaa calaamadaha lagu yaqaan,waxayna ku socdaalayeen magaalada Gaza.

Ugu yaraan 39,006 qof ayaa lagu dilay 89,818 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa lagu qiyaasay 1,139, iyadoo tobanaan qof weli lagu haysto Qaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here