Xisbiga Liberal ee uu hogaamiyo Raiisel wasaare Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashada Canada,kadib codeyn ka dhacday Dalkaasi.
Raiisel wasaare Mark Carney waxaa lagu wadaa inu soo dhiso dowladd cusub, wuxuu durba balan qaaday inuu xooga saari doono dagaalka Ganacsi ee uu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Hogaamiyaha Konserfatifka Pierre Poilievre ayaa qirtay guuldarada, isagoo u hambalyeeyay Carney oo uu sheegay in Canadians ay doorteen dowlad mandiil khafiif ah oo yar.
Hogaamiyaha xisbiga New Democratic Party (NDP) ayaa isna sheegay inuu xilka ka dagi doono kadib markii uu waayay kursigiisa iyo in uu si xun u muujiyay kooxda garabka bidix u janjeerta.
Kadib guushiisa ayuu la hadlay taageerayaashiisa xili uu soo hadal qaaday damaca Madaxweyne Trump isagoo carabka ku adkeeyay inaeysan waligood aqbalayn inay u jabaan Mareykanka.
Sidoo kale wuxuu xusay inuu isu keeno doono shaqaalaha, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah,sidoo kale wuxuu ka digay qorshaha mareykanka ee ku aadan hantidooda,dhulkooda iyo kheyraadkooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM