XIGASHO LAACIB.NET
Pep Guardiola ayaa sheegay in Manchester City aysan gabi ahaanba ku faraxsaneyn xilli ciyaareedkooda inkastoo ay garaaceen Nottingham Forest si ay u gaaraan final-ka FA Cup.
City ayaa si raaxo leh 2-0 ugu garaacday Forest garoonka Wembley, iyagoo xaqiijistay inay gaaraan final-kii FA Cup ee saddexaad oo xiriir ah, taasoo ka dhigeysa kooxdii lixaad ee taariikhda sameysa sidaas. Laakiin tababaraha ayaa wali ka fogaa inuu ku qanacsan yahay ololaha kooxdiisa, maadaama Liverpool ay si rasmi ah uga guuleysteen horyaalka Premier League iyagoo 5-1 ku garaacay Tottenham Axaddii.
City ayaa 21 dhibcood ka dambeeysa Liverpool iyadoo 4 ciyaarood oo kaliya ka harsan tahay xilli ciyaareedka, waxayna u muuqataa inay dhammaystiri doonaan xilli ciyaareedkooda iyagoo leh dhibcaha ugu hooseeya tan iyo markii Guardiola uu tababare ka noqday 2016. Waxa kale oo ay ku fashilmeen inay gaaraan 16-ka kooxood ee ugu dambeeya ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2012, kadib markii Real Madrid ay 6-3 ku garaaceen ciyaartii wareega 16-ka, iyadoo ay ka dhigeen 22-aad 36 kooxood, iyagoo kaliya guuleystay saddex kulan.
“Dhabtii Xilli ciyaareedkaan ma fiicna,” Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta. “Waxaan ka dambeeynaa Liverpool kun milyan oo dhibcood. Taasi ma fiicna. Eeg Champions League. Waxaan guuleysannay hal kulan? Ama Laba kulan? Waxaanu markasta ahaan jirnay mishiin, laakiin hadda ma fiicna xaalkeenna, laakiin waxyeellada aan laheen ayaa yaraatay. Naadigu waa inay qaataan go’aan sax ah si xilli ciyaareedka soo socda uu u fiicnaado.”