
Cutubyo katirsan Ciidanka Boliiska ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday salaan sharaf siiyey, waxaana munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta lagu soo bandhigay Taariikhda xiriirka soo jireenka ee labada dal, iyadoona la gudoonsiiyey Wefdiga Ciraaq Hadiyado kala duwan oo isugu jira Bilad sharaf iyo alaabaha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
Imaanshaha Dalka ee Wegdiga uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq ayaa xoojinaya xiriirka labada dal waxaana si gaar ah kor loogu qaadayaa wada shaqeynta dhinacyada Amniga , socdaalka, waxbarashada iyo tababar siinta laamaha ammaanka ee Dalka.