Markab shidaal waday kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta ayaa la soo sheegayaa inuu ku gubtay meel ku dhaw badda Somalia.
Markabkaab oo lagu magacaabo Invictus islamarkaana watay calanka Jasiiradda Marshall Islands ayaa ayuu dabku ku qabsaday badweynta Hindiya gaar ahaan meel qiyaastii 508 mayl ka xigta magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah shaqaalaha markabka ayaa ku dhaawacmay dabka ka kacay markabka kaasoo u dhashay dalka Filibiin.
Markab dagaal oo India laga leeyahay oo ka dhawaa ayaa usoo gurmaday markabka gubtay iyagoona garab siiyay ninkaasi dhaawaca soo gaaray.
Sidoo kale waxararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha markabka markuu dabku kacay ay bilaabeen inay la tacaalaan, waxayna ku guuleystay inay dabka damiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM