KARACHI (DAYNIILE.COM)-Dalka Pakistan waxaa laga soo sheegayaa kuleyl aad u daran oo sababay dhimasho aad u badan oo maalin kasta laga diiwaan geliyo dalkaasi.

Wararka hada ay warbaahinada hada ay soo qaateen waxaa ka mida in maalin kasta 30 ilaa 40 oo dad ah u dhintaan kuleylka kuwaasoo la soo gaarsiiyo goobaha meydadka lagu keydiyo dhanka Isbitaalada.

Advertisement

koonfurta Dalka Pakistan ayaa laga soo sheegayaa inay hada tahay meelaha kuleylka ugu badan laga soo warinaayo.

Asbuucaan ugu danbeeya kaliya waxaa dalka Pakistan ugu geeriyooday kuleylka dartiis 568 ruux iyadoo ay xusid mudan tahay in Talaadadii kaliya ay dhinteen 141 ruux.

Shacabka ayaa markii ay naftooda u baqaan kuleylka dartsiis waxay tagayaan isbitaalada si gar-gar caafimaad ay u halaan.

Isbitaalka Magaalada Karachi waxaa kuleyl dartii loo seexshay Axadii iyo Arbacadii 267 qof iyadoo 12 ka midana ay geeriyoodeen intii ay isbitaalka ku sugnaayeen sida uu sheegay Dr Imran Sarwar Sheekh, oo ah madaxa qaybta gurmadka.

Ditoorka wuxuu intaasi ku daray in dadka isbitaalka imaanayay ay da’doodu u dhaxaysaa 60-70-sano jir.

“way jireen kuwo 20 jiro ahaa oo qaar lamaanayaal ahaayeen laakiin dadka waa waaweyn ayay u badnaayeen dadka na soo gaarayay”ayuu yiri Dr Imran Sarwar Sheekh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Pakistan oo kuleyl daran uu ka jiro

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here