=XIGASHO BBC SOMALI=Dr. Sacad Al-Diin Al-Hilali, oo ah bare sare oo cilmiga fiqhiga ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar

Dr. Sacad Al-Diin Al-Hilali, oo ah bare sare oo cilmiga fiqiga ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, ayaa mar kale dood ka dhaliyay baraha bulshada, kaddib wareysi uu kaga hadlay sinnaanta dhaxalka ee ragga iyo dumarka, isagoo u arkay inay tahay arrin sharci ah oo fasiraad u furan.

Al-Hilali waxa uu yiri, “Ma jiro wax cad oo Qur’aanka kariimka ah oo mamnuucaya arrintaas, gaar ahaan haddii labada qolo ay isku heer yihiin, sida walaalo”. Waxa uu soo qaatay waaya-aragnimada dalalka kale, sida Turkiga, iyo sharciyo ka dhaqan gala Masar oo “siinaya xaalado nololeed oo siman oo la xiriira labka iyo dheddiga”.

Al-Hilali waxa uu ku baaqay “wada-hadal bulsho iyo afti dadweyne si wax looga beddelo sharciga haddii ay dadku ku heshiiyaan,” taasoo dhalisay falcelin ballaaran.

Jawaabtii ugu horeysay ee rasmiga ah ee hadalada Hilali, Dar al-Iftaa ee Masar waxay dhaliyeen “baaqyada sinnaanta buuxda ee dhaxalka, iyada oo la adeegsanayo ficil tabaruc ah ama afti dadweyne.

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Fatwa ee Masar ayay ku sharraxday sharciyada dhaxalka ee hadda jira, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in “qoraalka oo qeexan uusan ku habboonayn dib-u-habeyn iyadoo uu jiro xad aan la dhaafi karin. Ma jiraan wax ka baddel lagu sameyn karo shareecada Islaamka ee la xiriira waajibaadka dhaxalka. Waa waajib saaran Muslimiinta inay ilaaliyaan oo ay fuliyaan, maaha in la beddelo,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Hay’adda Fatwa ee Masar.

Falcelinada ka dhashay hadallada Al-Hilali ayaa ahaa kuwo is-dhexyaac ah, iyadoo dadka qaar ay is-weydiiyeen ujeeddada iyo xilliga uu ku soo beegay hadalkiisa muranka dhaliyay, gaar ahaan marka loo eego “dabeecadda jilicsan”.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbaday in Al-Hilali laga saaro Jaamacadda Al-Azhar, lagalana noqdo shahaadadii doctorate-ka, kadibna loo gudbiyo baaritaan.

Warbaahinta Masar oo soo xiganaysa afhayeenka rasmiga ah ee jaamacadda Al-Azhar Dr. Axmed Zarea ayaa sheegtay in jaamacaddu ay si dhow ula socoto hadalka Al-Hilali ayna dib u eegis ku sameyn doonto. Wuxuu beeniyay in wax baaritaan ah lagu bilaabay isaga.

Zarea waxay ku nuuxnuuxsaday in jaamacaddu “aysan la qabin” hadalada Al-Hilali, ee “ka tarjumaya ra’yigiisa shakhsi ahaaneed.”Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbaday in Al-Hilali laga saaro Jaamacadda Al-Azhar, lagala noqday shahaadadii doctorate-ka, kadibna loo gudbiyo baaritaan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa u arkayay soo jeedinta Al-Hilali in ay tahay mid bulsho iyo mid bini’aadantinimo oo aan khilaafayn diinta.

Halka mid kalena uu u arkayay in weerarkii Al-Hilali uu ahaa weerar lagu soo qaaday “fikir iftiimay”, isagoo muujiyay sida uu u taageersan yahay ra’yiga Al-Hilali.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Al-Hilali dhaliyo muran dhanka diinta ah. Waraysiyadiisii ​​hore mid ka mid ah ayuu ku sheegay in xijaabku aanu ahayn waajib buuxa, sida ay dadka qaar ku andacoonayaan, balse waa arrin tafsiir cilmi ah.

Waa kuma Saadeddine El Hilali

Saad Eddin El-Hilali, waxa uu dhashay 1954-tii, waa bare ku takhasusay cilmiga fiqiga ee Jaamacadda Al-Azhar tan iyo 2015-kii.

1985-kii ayuu qaatay shahaadada PhD-da ee cilmiga sharciga.

Muddadii uu jaamacadda ka tirsanaa waxa uu ka soo qabtay jagooyin kala duwan oo uu ka mid yahay bare sare oo ka tirsan kuliyada shareecada iyo qaanuunka.

Waxa kale oo uu Hormuud ka noqday Kulliyadda Islaamka iyo Daraasaadka Carabiga ee Jaamacadda laanteeda Damietta intii u dhaxaysay 1995 ilaa 1997, iyo Hormoodka isla kulliyadda Aswan intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1995.

Waxa kale oo uu madax ka ahaa qaybta sharciga iyo mabaadi’da sharciga Islaamka ee Jaamacadda Kuwait intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2004.

Waxa uu helay abaalmarino badan, oo ay ku jiraan Abaalmarinta Dhiirigelinta Gobolka ee 2008 ee Akademiyada Cilmi-baarista Sayniska iyo Tignoolajiyada, iyo Kuwait Foundation ee siisay Abaalmarinta Horumarinta Sayniska ee 2003. Waxa uu qoray buugaag badan.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -