HomeWarkiiSomalia iyo Turkey oo kala saxiixday heshiis cusub oo shidaalka baaris ah.

Somalia iyo Turkey oo kala saxiixday heshiis cusub oo shidaalka baaris ah.

ANKARA (DAYNIILE.COM)-Labada Dowladood ee Somalia iyo Turkey oo hore heshiisyo shidaal baais ah u kala saxiixday ayaa mar kale heshiis cusub oo isla shidaal baarista ah waxay maanta ku kala saxiixdeen Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Batroolka Somalia Daahir Shire Maxamed iyo dhigiisa dalka Turkey Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta heshiis muhiim ah kula saxiixday magaalada Ankara ee dalka Turkiga dhigiisa dalkaas Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Heshiiskaan ayaa lagu xoojinatyaa iskaashiga dhanka tamarta ee labada dal,waxaana ka mida heshiiska cusub in beri  ama dhulka Somalia laga sameeyo baarista shidaalka Somalia.

“si la mid ah sahmintii shidaalka ee Badda lagu sameeyay ayaa hadana looga sameynayaa Beriga”ayuu yiri Wasiirka shidaalka Somalia

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlayay TV-ga qaranka ayaa intaasi ku daray in sahminta dhanka Badda Somalia ee hore u socotay natiijadeeda la heli doono wixii ka dambeeya bisha May

“Sahmintii shidaalka ee  Turkigu ka waday Badda meel wanaagsan ayay mareysaa waxaana go’aanada rasmiga ah ee baarista sahminta shidaalka badda la heli doona bisha danbe wixii ka dambeeya” ayuu yiri Wasiir Shidaalka ee Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMWararka Maanta: Jimco, Oct 25, 2024-Markabka shidaalka baarista ee Oruc Reis ee Turkiga oo soo gaaray xeebaha Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -