Taliska Booliska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey Xarigga Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo baraha bulshada aad u qabsaday.
Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in xarigga masuulkan uu yimid kadib markii sida boolisku sheegay uu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka gaar ahaan dhiiragalinta Cadawga Alshabaab.
Qoraalka ka soo baxay Taliska Booliiska Somalia ayaa sidan u qornaa:
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Wayne oo gudanaya waajibaadka Qaranka ayaa soo xiray eedeysane C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka.
Waxaana la horgeyndoonaa Maxkammada Awooda u leh Insh-Allah.
Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah, Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada.
Wabillahi Towfiiq.