QAHIRA (DAYNIILE.COM)-  115,000 oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza ayaa u qaxay Masar intii lagu jiray dagaalkii ama weerarkii Yuhuudu ku qaaday Magaalada Rafax oo ku dhaw xadka Dalka Masar la leeyahay Falastiin.

Tiradan ayaa waxaa ku jira dhowr kun oo Falastiiniyiin ah oo xanuunsan iyo kuwo dhaawac ah kuwaas oo si caafimaad looga daad gureeyay dalkaas, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post oo soo xiganaya safaaradda Falastiin ee Qaahira.

Advertisement

Inta soo hartay waxay Masar ku gaareen kaalmo ay ka heleen safaarado shisheeye ama ay soo mareen hay’ad socdaal oo Masar ah oo gaar loo leeyahay, taasoo lacago badan ka qaadata si ay isugu duba rido bixitaankooda, ayay ku dartay Boostada.

“Inta badan waxay ku sii jiraan wadada, iyada oo aan lahayn sharci iyo meel kale oo la aado” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska

Dadkaan Waxay xubno ka yihiin qurba-joog cusub oo Falastiiniyiin ah, oo ah dad ay horay u naafeeyeen dhowr barakac iyo duqeymo madaafiic.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

A man assists a Palestinian woman in a wheelchair, at the Rafah border crossing between Egypt and the Gaza Strip, amid the ongoing conflict between Israel and Palestinian Islamist group Hamas, in Rafah, Egypt, February 1, 2024. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here