MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo barqadii ah ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Madaxweynaha Dowladaย  Federaalka Sooamaliyaย  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gudoominaya kulankaan oo kii ka horeeyay lagu kala tagay iyadoon wax natiija ah ka soo bixin.
Sida warbaahinta Dowladu shaacisay shirka waxaaย  diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska, Doorashooyinka iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka.
Dhanka kale waxaa shirka ka maqan Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Macamed Islaam (Madoobe) oo xanaaq uga baxay shirkaan kii ka horeeyay ee maalmo ka hor qabsoomay.
Axmed Madoobe wuxuu sheegay in shirka uusan ku sii jiri karin ilaa iyo inta shirka loogu soo darayo Maamulada Puntland iyo SSC Khaatumo.
Dowlada uma sahlana inay shirka keento Puntland madaama ay sheegteen inay gabi ahaanba xiriirka u jareen Dowlada faderaalka,sidoo kale SSC Khaatumo iyagana wali ma buuxin shuruudihii loogu aqoonsan lahaa maamul goboleed buuxa taasoo ah laba gobol inuu maamulkaasi ka kooban yahay.
XAFIISKA WARARKAย 
DAYKIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here