Muqdisho, Khamiis, 16 Janaayo 2025:- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dowlad wanaag laga shaqeyn karin oo musuqmaasuq la ciribtiri karin, haddii aan la helin hannaan garsoor oo lagu wada kalsoon yahay.
Raโiisul Wasaaraha, oo ka hadlayay xiritaanka Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa xusay in Xukuumaddu ay xoogga saartay sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay casriyeynta garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadanaya hufnaanta caddaaladda.
โWaxaa marqaati ka tihiin in isbeddel muuqda lagu sameeyey hannaanka garsoorka dalka, taas oo soo celisay kalsoonidii ay dadka Soomaaliyeed ku qabeen nidaamka caddaaladda dalkeenna, tani oo ku timid dadaalkiinnaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay ilaalinayso madax-bannaanida garsoorka, isla markaana ay la garab taaggan tahay wax walba oo ay u baahan yihiin, isaga oo kula dardaarmay in la tayeeyo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka, meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaaddi karin dastuurka iyo shareecada Islaamka.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

















Advertisement