Warbaahinta Maamulka Somaliand iyo barahooda bulshada ayaa lagu shaaciyay wararkii Asbuucaan ee ku saabsanaa maamulka.
Qoraalka Maamulka Somaliland ayaa sidan u qorna:-
1. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray hoyga taariikhda Somaliland oo uu isagu hindisay, kaasi oo loo dhisay laba dhisme oo min toddoba dabaq ah.
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay, cuqaasha iyo salaadiinta gobollada Awdal iyo Selel.
3. Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu arkay jabhado leh waxaanu xoraynaynaa gobolka Awdal oo ka soo dhex hanjabaya dalka Jabuuti. Waxaanu tilmaamay in aanu ka filaynin Jabuuti arrintaasi lana eegi doono wixii ka dhasha.
4. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka xukuumadda Somaliland Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya koox jabhad sheeganaysa oo ka dhan ah Somaliland oo kulamo ku yeeshay Jabuuti, kana qaybgalay xafladii maalinta qaran ee Jabuuti ee 27kii bishii June ee lagu qabtay Jabuuti.
5. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Netherland oo ay hoggaaminaysay Mrs. Anette Hoffman.
6. Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod Aqlabiyada ku ansixiyay Miisaaniyada Qaranka ee sannadka 2024-ka.
7. Tartanka Orodka Caalamiga ah ee Hargeysa International Half-Marathon ayaa Hargeysa lagu soo gabo-gabeeyay, kaasi oo ay ka qaybgaleen 68 orodyahan oo ka kala socday dalalka Somaliland, Jabuuti, Itoobiya, Baxrayn iyo Angola.
8. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo socdaal shaqo ku tagay dalka Taiwan, ayaa wadahadallo la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.
9. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dr. Axmed Aadan Buuxane oo uu wehelinaayo Guddoomiyaha Xafiiska Imitixaanadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Fasrax, ayaa si wada jir ah u shaaciyay guud ahaan in uu soo dhammaaday Imitixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland.
10. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Axmed Yuusuf Idiris ayaa shir-guddoomiyay kulan lagaga hadlayay keenista dalka ee xadhkaha kaybalka badda iyo isku xidhka shirkadaha isgaadhsiinta.
11. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ansxiyey xeerka hawl-gabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda ee Xeer Lr.12/2024.
12. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Naasir Caydiid ayaa furay shirka Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin.
13. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa si adag u naqdiyay dawladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in aanay dib u dhacayn in Somaliland ay dib callan iyo dawlad ula wadaagto Muqdisho. Waxaanu xusay inay Somaliland walaal jacaylkii ay ku doonaysay inay ku mideeyaan Soomaali ay kala kulantay xasuuq iyo burbur.
14. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dawladood ee Türkiga iyo Somaliland.
15. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa ka qayb-galay madal ballaadhan oo lagu qabtay Fagaaraha Khayriyada Hargeysa oo lagu abaal-mariyay qaar ka mid ah Fannaaniinta dalka ee heesaha iyo suugaanta waddiyadda ah dhawaan sameeyay.
16. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Siciid Xasan Habane ayaa xarunta tababarka suxufiyiinta ee Wasaaradda tababarkii u horreeyay uga furay suxufiyiin isugu jira Warbaaahinta Dawladda iyo kuwa Madaxabannaan.
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐦𝐨𝐧𝐢𝐭𝐞𝐫𝐢𝐧𝐠-𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀
May be an image of textMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here