Muqdisho, Isniin, 18 Nofeembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciidanku deegaano badan ka xorreeyeen khawaarijta isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga u ahaa bulshada, isagoo taliyaha cusub kula dardaarmay dardargelinta dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida si ay ulawareegaan amniga guud ee Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay, sida qaadista cunaqabatayntii hubka,ku biiristii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, dhammaan howlahaas la qabatay waxaa markhaati ka ah shacabka Soomaaliyeed
— DHAMMAAD —May be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and wrist watchMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person and grassMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, flower and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 10 people, suit and weddingMay be an image of 8 people, speaker and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here