Hantidhowraha Guud ee JFS,Mudane Axmed Ciise Guutaale,ayaa ka qaybgalay madashaaan oo lagu qabtay magaalada Baqdaad intii u dhaxaysay 10-12ka Sebteembar, 2024, waxa ayna ka koobneyd dood-cilmiyeedyo, khudbado muhiim ah, iyo fadhiyo la xiriira Yoolka 16-aad ee Yoolalka Horumarka Waara (SDG 16).
Abukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa shalay, oo ku beegneyd 11ka Sebteembar, 2024, ka jeediyay madashaas khudbad uu diiradda ku saaray doorka Xafiiska Hantidhowraha Guud ee JFS ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, kor-u-qaadista daahfurnaanta hayโadaha dowladda, iyo xoojinta isla-xisaabtanka hayโadaha dowliga ah.
Madasha Labaad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Maamul Wanaagga Dalalka Carabta ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12ka Sebteembar, 2024, waxaana lagu kala qaatay goโaanno, qibrado, aqoon iyo faham la xiriira โsidii ay dalalka Carabta uga wada-shaqayn lahaayeen horumarinta maamul wanaagga iyo daahfurnaantaโ.
Advertisement