Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.
Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida ay ugu go’an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.May be an image of 2 people, people studying and newsroomMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 9 people, people studying, table and textMay be an image of 9 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 4 people, people studying, dais and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people, people studying and textMay be an image of 10 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here